Bulsha:- Laba gabdhood oo Soomaali ah ayaa waxaa istaajiyey niman qaba dharka Booliska Sucuudiga, kuwaas oo isugu sheegay in ay wadaan baaritaan, taas oo hal mar isu bedashey naxdin iyo argagax, kadib markii nimankaasi ay afduubteen gabdhahaas isla markaana kula kaceen kufsi.
Isu geyn shan nin ayaa ka qayb qaatey faraxumeyn iyo kufsi gabdhahaas loo geystey, kaas oo ka dhacay laba meelood oo ku yaala magaalada Jedda, sida uu qoray website-ka arabnews.com
Nimanka afduubtey gabdhahan ayaa ka codsadey in aysan la hadli karin Booliska. Mid kamid ah gabdhaha ayaa Booliska arintan gaarsiisey, waxaana Booliska u suurta gashey in ay soo wada qabtaan 5 nin ee la eedeeyey.
Gabadha Booliska la hadashey ayaa warbixteeda ku sheegtey in iyada iyo gabadh kale oo saaxiibteed ah ay ka afduubteen bariga magaalada Jidda, niman xidhan dharka Booliska, kadibna waxay kula kaceen kufsi, kadib waa ay naqaadeen ayey tiri waxayna geeyeen guri ku yaala xaafadda Al-harazat, halkaas oo ay ku sugnaayeen saddex nin oo kale, kuwaas oo ay ku amreen in ay isu dhiibaan.

Hawlgal Booliskau qaadeen ayey ku soo qabteen mid kamid ah raggii afduubka geystey, kaas oo Gabdhuhu ay aqoonsadeen oo sheegeen in uu ahaa ninkii fuliyey afduubka, kadibna Boolisku waxay soo qabteen afartii nin ee kale oo laga soo helay xaafadaha Qaweeza iyo al-Harazat.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment