Maxkamadii Dahabshiil iyo Dahir Calasoow: VIDEO

Bulsha:- Waxaa maxkamaddeyn Breda oo mudo afar sano ah ka socotay dacwad u dhaxeysay shirkadda Dahabshiil iyo milkiilaha shabakadda Waagacusub iyo sunatimes.com, Dahir Cabdulle Calasow, taasoo ugu danbeyntii lasoo gabagabeeyay bishan. waxaana maxkamadda Breda ee dalka Holland kusoo xertay in eedeymihii Dahir Calasow uu ku eedeeyay shirkadda Dahabshiil ka bixiyo raali gelin dhamaan eedeymihii Dahir.

Waxaa weli harlan go’aanka rasmiga ah ee maxkamadda sare Holland, inkastoo tani ay tahay maxkamad ku taal magaalada uu degan yahay Dahir Alasow.

Mar aan la xiriirnay Dahir Calasow ayaa sheegay in uu u hoggaansamayo go’aanka maxkamadda, wuxuuna tilmaamay in qolaadadii ay ka cabaneysay Dahabshiil uu ka bixiyay mid ka mid ah Website-yadiisa, isla markaana uu raali gelin ku bixiyay bogga barraha bulshada ay ku xiriirto ee Ttwitter-ka.
Dahir wuxuu sheegay in appeal uu ka qaaday go’aanka maxkamadda Breda, sidaasi darteedna qadiyadasiisa uu sii wadi doono.

War qoraal ah oo kasoo baxay Dahabshiil ayaa lagu sheegay in maxkamadda Breda, ay amar ku siisay Dahir Calasow inuu raaligelin ka bixiyo kuna baahiyo dhamaan mareegahiisa muddo sannad ah eedeymo beeno ah oo uu hore uga baahiyey Shirkadda Dahabshiil isaga oo ku xiriiriyey fal dembiyeedyo ay ku sheegtay been abuur ah.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment