Kenya: Xildhibaano loo xiray Xabaal-wadareedyadii Mandheera laga helay

Bulsha:-  Booliska Kenya ayaa xabsiga dhigay Biloow Keerow oo ka tirsan aqalka senate-ka Kenya iyo shan mudane oo ka tirsan baarlamaanka Kenya lagana soo doorto gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Xubnaha ayaa loo haystaa in ay dowladda ku eedeeyeen xabaal wadareed la sheegay in laga helay Mandheera, balse baaritaan lagu sameeyay Xabaal-Wadareedkaasi laga helay kaliya hal qof oo mayd ah.

Afartaan mas’uul, ayaa xarigooda lagu sheegay inuu la xiriiro sheegidda xabaalo wadareed dhawaan la Tilmaamay in laga helay Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya, laakiinse ay markii dambe Ciidamada Bilaysku sheegeen in wax Meydad ah aanan laga helin markii la qoday.

ciidamada booliiska Nairobi, gaar ahaan kuwa loo yaqaanno Flying Squad-ka, ayaa xiray mas’uuliyiintan xilli ay kasoo dageen garoonka diyaaradaha Wilson ee magaalada Nairobi, iyagoo ka soo laabtay magaalada Mandheera.

Booliiska, ayaa u xaqiijiyay warbaahinta in labo ka mid ah saddexda xildhibaan ee la xiray ay yihiin xildhibaanada laga soo kala doortay galbeedka iyo bariga magaalada Mandheera.

Wararka ayaa intaa ku daraayo in mas’uuliyiintan la geeyay xarunta dambi-barista Nairobi, si su’aalo looga weydiiyo hadalo ay horay u sheegeen oo ku saabsanaa xabaal-wadareed-yadii Mandheera lagu sheegay, iyadoo wararku ay intaas ku darayaan in maanta galinka dambe laga yaabo in Senator-ka uu ka soo hor-muuqdo Maxkamad.

Xubnahan la xiray ayaa shalay raali-galin ka bixiyay eedeymaha ay horey ugu jeediyeen dowladda.

Qaar ka mid ah mas’uuliyiinta laga soo doorto gobolka Waqooyi Bari Kenya ee Soomaalida ay degto, ayaa cambaareeyey xariga mas’uuliyiinta oo ay ku shegeen mid qalad ah.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment