Gaas oo safiirka Turkiga ee Somalia ku booqday xaruntiisa Muqdisho: Sawirro

Bulsha:- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa magaalada Muqdisho kula kulmey safiirka dalka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Baker Olgan.

Safiirka ayaa ku soo dhaweeyey madaxweynaha Puntland safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho, waxaana ay halkaas ku wada yeesheen quraac sharafeed loo sameeyey Madaxweynaha iyo wefdi la socdey.

Madaxweynaha Puntland ayaa safiirka Turkiga kala hadley mashaariicda dowladiisu ka waddo Soomaaliya, waxaana uu ku aamanay sida Turkigu u garab istaagey dadka Soomaaliyeed xilli ay u baahan yihiin. Madaxweynaha Puntand ayaa la soo qaadey safiirka Turkiga mar uu booqasho ku yimid Puntland mashaariic dowladiisu u ballan qaadey in laga hirgeliyo gobolada Puntland, taas oo weli aan waxba ka fulin.

Baker Olgan ayaa sheegay in mashaariicdaas sida ugu dhakhsiyaha badan loo hirgelin doono, dhawaana uu booqan doono Puntland.


Safiirka ayaa sidoo kale marti-qaad ugu sameeyey maal-qabeenada Puntland booqasho ay ku tagaan waddanka Turkiga si’ay xiriir ganacsi oo wanaagsan u yeeshaan ganacsatada Puntland iyo Ganacsatada Turkiga isla markaasi maal-gashiyo kala duwan ganacsatada Turkigu uga samaysan lahaayeen Gobolada Puntland, Soomaaliya.

Dhawaan waxaa dalka Turkiga lagu qaban doonaa shir looga hadlaayo arrimaha Soomaaliya kaas oo go’aan looga gaari doono doorashada 2016 sida laga yeelayo.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment