Bulsha:- Ciidamo ka ka tirsan maamulka Konfur galbeed ee Soomaaliya ayaa la mariyay baaritaanno caafimaad oo la xiriira ka mid ahaanshaha booliiska.
Saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa magaalada Baydhabo ee gobolka Bay baaritaanno caafimaad iyo kuwa la xiriira jirdhiska ku mariyay 200 oo askari oo ka tirsan ciidanka booliiska Koonfur-galbeed Soomaaliya.
Ciidamada ayaa tababarkooda ciidannimo dhameystay bishii November ee la soo dhaafay, waxaana la la mariyay baaritaanno caafimaad iyo kala doorasho, kuwaasoo isugu jiray rag iyo dumar, sida uu sheegtay kormeeraha booliiska AMISOM, Saalax Somalia oo hoggaaminayay ciidamada baaritaanka iyo kala xulashada sameynayay.
Ilaa 600 oo askari oo la doonayo in loo tababaro maamul-goboleedka Koonfur-galbeed Somalia, ayaa waxay qeybtaan yihiin kuwii ugu horeeyay ee la mariyo tijaabada uwaas oo isugu jiri doona askar iyo saraakiil booliis.





_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment