Daacishta Soomaaliya oo ciidamada Jubbaland kala wareegay Tuulo-Barwaaqo

Bulsha:- Dagaalyahano taabacsan ururka Daacish ee ka goostay Al-Shabaab ayaa qabsaday oo la wareegay gacan ku haynta tuulada Tuulo-Barwaaqo oo 12 KM u jirta deegaanka Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalyahanada taabaacsan Daacish ayaa halkaas ka qabsaday ciidamada maamulka Jubbaland ee halkaas maamulayey, kuwaas oo tuulada ka baxay markii ay maleeshiyada usoo dhaqaaqeen.

Kooxda halkaas qabsatay ayaa sidoo kale gubay gurigii guddoomiyihii Tuulo-Barwaaqo.

Waxa ay tani noqoneysaa markii ugu horraysay ee maleeshiyo taabacsan kooxda Daacish ay qabsadaan deegaan ka mid ah Soomaaliya.

Deegaanada hoostaga Jubbada Hoose, ayaa waxaa dhowaanahan ka jiray khilaaf u dhaxeeya Al-Shabaab oo ku saabsan ku biiritaanka Daacish, ayada oo la dilay sarakaiil sare iyo maleeshiyo taageero u muujiyey Daacish.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment