Bulsha:- Si fudud ayuu ninka ragga ah ku kasban karaa qalbiga lamaantiisa isaga oo si fudud ku soo jiidan kara dareemaha macaantiisa.
# In aad dhageysto: waa tubta ugu muhiimsan ee haweenka lagu qurxiyo waxa uu iyadana siinaya in aad dhageysato dareemo kuwasi oo u muujinaya in aad ihtimaam siineyso.
Arintani waxa ay ku dhalineysa dareen fog kaasi oo ay ka dhalaneyso is fahan iyo isu soo dhawaasho joogta ah .
# In aad Taageerto: Haweenku waxa ay tani ku beereysaa dareen ah in gadaasheeda nin rag uu joogo kaasi oo ka taageeraya waxyaabaha ku adkaada, waxa ayna tani siineysaa dareen adag.
# In aad u muujiso aad la cajabsan tahay: Haweenka waxa ay jecel yihiin in ay dareemaan in ninkooda la cajabsan yahay oo ay cajab giliyeen .
Iyadoo ninka laga doonayo in lamantiisa u muujiso in uu la cajabsan yahay ku qanacsan yahay habkeeda shaqsiyadeed ,geesinimadeda ,heerka aqoonteda .
# Ihtimaam :in aad u muujiso ihtimaam siin dhan waliba tasi isu soo dhawaashihiina gacan weyn ka geysanayaa .
# Ka Taageer In ay horay U socoto: ka taageer sidii ay hor mar u gaari laheyd bulshadana uga dhex muuqdan.
#Amaan :U muuji amaanteeda waliba idinka oo wada jooga dadka idin kugu dhaw waxa ayna tani siineysaa dareen xoogan oo jaceylka xoojinaya .
Hadaba ragoow haddii aad qodobadaan ku dhaqantaan waxaa hubaal ah in qalbiga lamaantiina si fudud u degi kartaa.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment