Bulsha:- Gabar Soomaali ah oo uur ku qaaday ka dib markii la kufsaday ayaa waxay codsi u dirtey ra'iisal wasaaraha dalkaas Australia in loo ogolaado dalkaas Australia si ay isaga soo xaaqdo ama ay rido uurkaas ay ku qaaday Kufsashada loo geystay.
aGabadhaan Soomaalida ah oo magaceeda lagu sheegay Abyan (Ma ahan magaceeda dhabta ah) oo 23 sano jir ah ayaa waxay codsi u dirtey ra'iisal wasaaraha dalkaas Australia ninka lagu magacaabo Malcolm Turnbull si loogu ogolaado inay gasho dalka Australia si looga soo rido ilmo ay ku qaaaday Kufsi ay u geysteen rag aan la aqoon heybtooda, Gabadhaan Soomaalida oo qaxooti ahaan isaga dhiibtey dalkaas Australia ayaa arinkaas loo diiday in loo aqoonsado qaxootinimo iyadoona gabadhaas loo soo musaaafuriyey xerooyinka ay dadka qaxootiga ah ay ku xabisto dowlada Australia kuwaas oo ku yaala Jasiirada loo yaqaano Naura halkaas oo ay ku kufsadeen rag aan la aqoon ka dibna ay gabadhaas Soomaaliyeed ay ku yeelatay Uur iyadoona hada uu uurka ilmaheedu uu yahay ilaa iyo 12 todobaad.
Ugu dambeyntiina iyadoo gabahdaas Soomaaliyeed ee uurka leh ay codsigaas u jeedisay ra'iisal wasaaraha dalkaas Australia Malcolm Turnbull ayaan wax jawaab ah oo oo cad oo ku saabsan arintaas aysan wali helin gabadhaas Soomaaliyeed iyadoona ay gabadhaas ay taageero buuxdo ka heysato Wasiirka qaxootiga dalkaas Australia Peter Dutton oo sheegay in qof kasta oo u baahan caawinaad Caafimaad ay tahay inay hesho sidoo kale ayaa madaxa Mucaaradka dalkaas Australia uu sheegay inay dowlada Australia ay waajib ku tahay inay caawiso gabadhaas Soomaaliyeed, Garyaqaanka gabadhaan Soomaaliyeed ee Uurka leh oo lagu magaaabo George Newhouse ayaa waxaa uu sheegay inay gabadhaas Soomaaliyeed ay xaaladeedu ay tahay mid cakiran islamarkaana ay u baahan tahay in arinkeeda deg deg wax looga qabto asagoo sidoo kalena sameeyey codsi loo gudbinaayo ra'iisal wasaaraha dalkaas Australia Malcolm Turnbull kaas oo looga baahnaa inay saxiixaan ilaa 75,000 oo qofood iyadoona ay mudo kooban gudahood ay codsigaas ku saxiixeen dad gaaraayo ilaa iyo 60,000 qofood.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment