Gudiyo magacaabistoodu buuq dhalisay Iyo R/wasaare Cumar oo iska fogeeyay

Bulsha:- Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali ayaa iska fogeeyay magacaabiddii dhowaan xafiiskiisa laga faafiyay ee Guddiga howlwadeenada farsamada ee Madasha Wadatashiga Qaran, kaasoo xafiiskiisa shaaciyay dhowaan xilli uu dalka ka maqnaa.

Kulan degdeg ah oo ay shalay yeesheen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha C/raxmaan Odowaa ayaa arrintan looga hadlay wuxuuna sheegay Ra’iisal wasaaruhu inuusan isagu amrin faafinta magacyada oo balse xafiiskiisa ay ka soo baxday oo kaliya ay ahayd howl qabyo ah, waxaana arrintan mas’uul ka ahaa agaasimaha xafiiskiisa oo dhowaan xilka la wareegay ninka lagu magacaabo Cabdisalaan Salwe.

Kulanka saddex mas’uul ayaa la isku afgartay in isbedel lagu sameeyo guddigaasi iyadoo laga saarayo xubno ka mida laguna soo darayo kuwo cusub, waxaana si weyn loo dhaliilay qaabka wadatashi la’aanta ah ee arrintani u dhacday oo Ra’iisal wasaaruhu iska fogeeyay.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment