Bulsha:- Kadib markii ay koradhay heerka qashqashaada dumarka dalka Masar xadka baxna ay noqotay , ayaa shirkadda la yiraahdo “Pink taxi”waxay soo saartay magaalada qaariha gaadiid nooca taxi ah oo dumarka oo kaliya loogu tala galay , waxaa darawal ka ah haween, waxaana raaci kara oo kaliya dumar .
Tagaasigaas ayaa loo yeelay midabka Pink ah oo u gaar ah dumarka , dharka darawalka iyo wax kastaaba waxaa laga dhigay midabkaa, waxaana fikirkaas loo keenay si loo helo baabuur kiro ah oo ay dumarku ay ku nabad galaan .
Reem Fawzi oo ah milkiilaha gaadiidkan ayaa tiri:”Fikrad kastaa waxey ka curataa danta dadka, waxaanan jeclaystay inay dumarku helaan adeeg gaadiid oo aamin ah”.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment