Bulsha:- maashaaWax la yaaba ma aha in aad ka war hesho in dareemaha ninka aad xariirka la leedahay ee kugu aadan in ay is badaleen oo jaceylkiisa aheyn qaabkii hore , hadaba hadaad calaamadahaan ku aragto waxa uu ku ciyaarayaa dareemahaada ma doonayo in uu ku guursado ee il gaar ah isaga yeelo.
1- Is Bedel Deg Deg Ah Oo Bilaa Sabab Ugu Yimaada:. in uu ka cararo kulamadaada iyo taleefankaada bilaa sabab taasi marar qaar waxa ay cadeyn u yihiin in is badel deg deg ah uu ku yimid ,
2- Ka meer meeridda dalabyadaada aad dooneyso : tanina waa calaamad kale oo muuineysa iyana in uu adeegsanayo si uu dib ugu dhigo arinta guurkiina .
3- Dhaleceyn iyo jees jees : dhaleeceynta badan iyo jees jeeska waxa ay muujineysa in in uusan dareemeyn jaceylkaada xayaati.com ayaa waxa ay ku leedahay jaceylka waa indhoole ma arko ceebaha qofka la jecel yahay haddi uu arkana waxa uu alifaa sababo iyo mar marsiyo si aad u aqbasho una dareentid raali ahaansho .
4- luqadii wadahadalka oo daaqadda ka baxda : tani waa mid ka mid ah calaamadaha ugu weyn oo muujinaya in dareen jaceyl uusan ku hayn .
5- Ma Daneeyo Xaaladaha aad ku sugan tahay : waa dhici kartaa in uu mashquulay laakin hadii aysan jrin in uusan ku soo waceyn kuna wareysaneyn xaaladaada maalintaas iyana waa calaamad kale ,bulsha.com waxa ay ku leedahay is daneynta ayaa ah mudnaanta koowaad ee jaceylka.
Hadaba gabaryaheey hadaad calamadahaan aragto il gaar ah u yeelo xariirkaada oo is aruuri inta xanuunka jaceylka ku soo ridan , waa muhiim fikirkaada ku aadan mowduucaan
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment