Mo Faarax oo qiray inuu isticmaalay Daroogo laga mamnuucay UK

Bulsha:- Orodyahanka Soomaaliyeed ee u cayaara dalka Ingiriiska haystana horyaalka orodka dunnida Mo Faarax oo la hadlay warbaahinta Ingiriisk ayaa sheegay inuu mar cunay qaad ama jaad mar uu Soomaaliya yimid ka hor inta aan laga mamnuucin jaadka dalka Ingiriiska.

Mo Faarax oo dhawaan ku guulaystay billadda oroada Olympikada adduunka ayaa sheegay mar wax laga weydiiyay eeda la xariirta inuu daroogo adeegsaday inuu daroogaba uga dhawaaday jaad oo uu mar ku tijaabiyay Soomaaliya.

Mo waxaa uu sheegay inuu caleemaha jaadka ruugay bishii August sanadkii 2003 ka hor inta aan daroogo Ingiriiska looga aqoonsan .

“Waxay iga aheyd tijaabo dhawr laamood ayaan ruugay waxaana dareemay inay ka duwan tahay caleemaha geedaha kale oo waxay ii aheyd sida aniga oo cabay 10 koob oo shah” ayuu yiri Mo Faarax waxaana uu intaa ku daray inuu aaminay in dadku ay jaadka u cunaan waqti lumis oo kaliya sida uu yiri.

Waqtigaas kuma uusan jirin wax tartan ah ama xataa tababar ah.

Cayaaryahankaan mar uu sidoo kale la hadlay Tv la yiraahdo I TV waxaa uu sheegay inay jirin wax daroogo ah oo uu isticmaalay haba yaraatee wararka laga faafiyayna ay yihiin kuwo la doonayo in lagu sumcad dilo sida uu yiri.

Ingiriiska waxaa laga mamnuucay qaadka in lagu dhex iibiyo laguna sanadkii 2003 waxaana uu dhaqan galay sanadkii hore ee 2014 kadib markii hay’adda la socota waxyaabaha maanka dooriga ee Ingiriiska ay qaadka u aqoonsaday inuu yahay heerka Sadexaad ee daroogada.


Qofkii lagu arko asagoo qaad cunaya Ingiriiska waxaa uu marayaa ugu yaraan 2 sanno oo xarig ah iyo ganaax lacageed halka qofkii ka ganacsanayana uu marayo 14 sanno oo xarig ah.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment