Zlatan Ibrahimovic “Wakiilkeyga Mino Riola Ayaa Go’aan Ka Gaari Doono Mustaqbalkeyga Cayaareed”

Bulsha:- Weeraryahanka reer Sweden Zlatan Ibrahimovic ayai si dagan u hadlay xili siweyn loo hadal haayo inuu kooxdiisa PSG isaga hayaami doono.

Zlatan ayaa sheegay in mustaqbalkiisa cayaareed uu gacanta ugu jiro wakiilkiisa Mino Riola sidoo kalena uu masuulkan wax walbo xalin doono.

Zlatan wuxuu yiri “Ma joogayaa Paris? Mustaqbalkeyga wuxuu gacanta ugu jiraa Mino Riola”

33-jirkan gool ayuu dhaliyay kulankii kooxdiisa PSG 4-2 guusha kaga qaadatay naadiga Fiorentina kulan saaxiibtinimo wuxuuna yiri “Kulan wanaagsan ayuu ahaa”

“Kooxda si wanaagsan ayay u cayaartay balse waa inaan sii wadnaa dadaalkeena, kulankii Fiorentina waxaan muujina jir ahaan inaan u diyaarsanahay kulamada adag”


Laacibkan waaya araga ah waxaa siweyn loo hadal hayaa in horaaanta bisha August uu kooxda AC Milan si rasmi ah kaga mid noqon doono.

Balse Zlatan ayaa diiday inuu ka hordhaco mustaqbalkiisa cayaareed waxaana wax walbo la ogaan doonaa marka uu kooxdiisa Paris u cayaaro Super Cup-ka France 1-bisha August wixii ka dambeeyo.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment