Ciidamada Amisom iyo Kuwa Dowladda oo Maanta La Wareegay Magaalada Baardheere

Bulsha:- Waxaa maanta magaalada Baardheere, oo ku taal Gobolka Gedo Gudaha u galay Ciidamo ka tirsan Kuwa Dowladda iyo kuwa Amisom oo ka qayb qaadanaaya gulufk militari ee Ururka Al Shabaab looga saaraayo  Gobolka Gedo,.

Xoogaga Al Shabaab oo lagu arkaayay xaafadaha Masaba, Kaskey, Bulsho, Buulo Kuulow iyo Kurmaan oo dhaca Bariga Baardheere, ayaa waxaa xilligan la soo sheegayaa in ay isaga baxeen goobahaasi .

General Cabaas Ibraahim Gurey Taliyaha Ciidanka Militeriga Soomaaliya Ee Gobolka Gedo oo xilligan ku sugan Galbeedka magaalada Baardheere ayaa warbaahinta u sheegay in Xoogaga Al Shabaab ay isaga carareen Bariga Degmadaasi, marka laga soo taggo haraadi yar oo weli ku sugan gudaha magaalada.









_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment