Bulsha:- Orodyaan Soomaali-Canadian ah ayaa ku Guuleystay orodka 10,000-Mitir ee Cayaaraha Qaaradda Ameerika ee loo yaqaano PANAM GAMES uga socda magaalada Toronto ee dalka Canada.
Maxamed Axmed oo Soomaali ah ayaa u ordayay dalka Canada, isagoo muujiyay dadaal badan oo uu ku galay kaalinta koowaad ee Orodka dheer ee 10,000 ee Mitir, wuxuuna ka badiyay ciyaaryahanno caan ku ahaa orodkan.
Axmed ayaa wuxuu dalka Canada u soo hoyay billad qaali ah, iyadoo xusay inay tani tahay fursad dib u soo noolanaysa ciyaaraha fudud ee dalka Canada, iyadoo markii uu orodku dhammaaday Axmed garabaha loo saaray Calanka Canada.
“Hadda waxaan haysataa khibrad igu filan… Khibraddu aad ayay ii Caawisay waana sii xoojin doonaa,” ayuu yiri Maxamed Axmed oo intaas ku daray. “Waxaan rajeynayaa inaan billado kale ku guuleysto… waxaana rajeynayaa inaan ku guuleysto tartamada soo socda.”
Dadka ka faallooda ciyaaraha fudud ayaa waxay sheegeen in ciyaaryahan Axmed uu noqonayo Mo Faaraxii u soo baxay Canada, kaasoo magac ku yeelan doona ciyaaraha fudud ee dalka Canada.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment