Bulsha:- Ku dhawaad 130 caruur agoon ah oo ku nool degmada Maxaas iyo deegaanno hoostaga ayaa markii ugu horeysay la gaarsiiyay deeq lacageed oo ka timid haweenka Jaaliyada Hiiraan ee UK.
Muumin Jicmaale Sabriye oo lacagtan loo soo wakiishay ayaa sheegay in caruurta deeqda lacageed loo qeybiyay ka soo jeedaan qoysas sabool ah oo aan waxba heysan, waxaana uu intaa ku darray in mid walba oo caruurta ka mid ah la siiyay lacag dhan $25 doolar.
“Cadadka lacagta la soo dirray waxaa ay aheyd $ 3250 doolar, waxaan uga faa’ideynay oo maalmihii Ciidul-fidriga ugu talagalnay in caruurta kala la wadaagaan faraxda 130 caruur agoon ah oo aan ugu tagnay deegaannadii ay ku kala noolaayeen ayuu yiri” Muumin Jimcaalle.
Wuxuu intaa ku darray in deeqdan aheyd mid kaafin karta baahida heysta caruurta agoonta ah ee ku nool dhulka miiga fog ah, kuwaa oo muddo dheer la noolaa daruufo kala duwan oo dhinaca nolasha ah.
“Dadka waa dad iska reer Miiyi ah, oo muddo dheer ku soo jiray daruuf nolaleed oo aad u adag, agoontana marka aad eegto waaba kuwa ugu sii liita, siddaa daraadeed waxaan codsaneynaa in kaalmo inta ka badan lala soo gaaro, maxaa yeelay waxaa ay xaq u leeyihii in ay hellaan nolal dhameystiran ayuu yiri” Muumin Jimcaale.
Talaabadaan ayaa noqoneysa Tii ugu horeysay oo tiro intaa la ego caruur agoon ah ee ku nool dhulka Miiyiga Gobolka Hiiraan la gaarsiiyo deeq lacageed.
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment