Bulsha:- Waxaa Wadanka Maraykanka shirk u qabtay Qurbajoogta Beelaha Gobolka bari weliba bahweynta Beesha Cali Saleebaan, Kulankaas kadib waxaa afhayeenka Qurba joogta Puntland loo magacaabay Zakariye Cali Xaaji Saciid.
Waraysi uu la yeeshay Wariye Cali Xaraare ayaa Ugu horayn wuxuu Afhayeenka Bahweynta Beesha Cali saleebaan dhaliilay oo si weyn u dhaleeceyeen Qurba joogta Maraykanka in maamulka Puntland sadbursi xoogan ka dhex jiro oo awoodii dowladda Puntland hal beel gacanta ugu jirto.
Wuxuuna si kulul u cambaareeyey Cabdiwali Gaas iyo beesha uu ka soo jeedo inuu awoodii Dowladda gacanta u geliyey beeshiisa kaliya, wuxuuna tilmaamay in aanay taas dhici doonin in la aqbalo, wuxuuna sheegay in laga dhiidhin doono.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment