Bulsha:- Sida ay xaqiijiyeen ilo kun dhowdhow madaxwayne C.weli Gaas waxaa sannadkan baaqday dabbaal-deggii xuska 1-da August kaas oo lagu qaban jiray dhammaan magaalooyinka waawayn ee Puntland.
Maalintan oo ku beegan asaaskii maamulka Puntland ayaa lagu maamuusi jiray munaasabado waawayn oo ka dhaca gudaha iyo dibadda dalka iyadoo xafladda ugu wayn ka dhacdo caasimadda Puntlanttaas oo ay ka qaybgalaan madaxda Punt land ugu sarraysa, martisharaf iyo dadwayne aad u fara badan.
Sannadkan xuska August waxaa lagu soo koobay xaflad kooban oo habeenkaas ka dhacda madxtooyada taas oo lagu martiqaado dad kooban oo madaxwaynaha sheeko wadaag yihiin iyo khudbado kooba.
Sida la sheegayo sababta ka dambaysa baajinta xafladihii waawaynaa ee la qaban jiray 1-da August waxa lagu fasiray dhaqaale xumo dalka ka jirta iyadoo horayna dawladdu ku fashilantay bixinta mushaarka shaqaalaha iyo ciidamada Puntland muddo sannad ka badan.
Waa markii ugu horraysay ee muddo 17 sano ah la baajiyo dabbaal-degga xuska maalintan qiimah badan ugu fadhida dadka ku abtirsada Puntland meel kastoo ay joogaan dhinaca kalana waa heerkii ugu dambeeyay ee uu gaari karo maamul sannadkii labaad keliya talada haya.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment