Barack Obama iyo Uhuru Kenyatta oo ka hadlay dhibaatada Al-Shabaab: Sawirro

Bulsha:- Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa kulan kula qaatay aqalka madaxtooyada Kenya dhigiisa Uhurur Kenyatta, iyagoo ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin dhibaatada Al-Shabaab, waxuuna sheegay Obama in Maraykanka iyo Kenya inay ka mideysan yihiin dagaalka argagixisada.

Madaxqweyne Obama ayaa shir jaraaid Nairobi kula qabtay dhigiisa Kenya Uhuru Kenyatta.

Obama wuxuu sheegay inay jireen iskaashiga balaadhan oo ka dhaxeesa Kenya iyo Maraykanka oo ku aadan sida loola macaamulayo al-Shabaab.

Obama wuxuu sheegay in kooxda al-Shabaab la dhimay oo la yareeyay goobihii iyo deegaannadii ururka al-Shabaab uu ka talin jiray ee Somalia isla markaana la wiiqay shabakadaha ka howgalaya bariga Africa, balse wuxuu sheegay inaysan taasi ka dhignayn in dhibaatadii la xaliyay. Obama wuxuu sheegay inay awoodaan inay hoos u dhigaan awoodda kooxaha argagixisada, laakiin ay wali kooxahan awoodaan inay burbur geysan karaan. ,

Obama wuxuu Kenya uga mahadceliyay siday ay u martigaliyeen qaxootiga Somaalida ah ee ay dagaalladu soo barakicyeen.

Mr. Obama ayaa sidoo kale ka hadlay musuqmaasuqa ka jira Kenya, waxana uu madaxweyne Uhuru Kenyatta ku ammaanay sida uu musuqmaasuqa ula dagaalamay.

Madaxweynaha Obama ayaa dhinaca kalena ka hadlay dilka loo geysto maroodiga, isagoo sheegay in maamulkiisu uu congresska u gudbin doono sharciyo joojinaya iibsiga foolka maroodiga ee dalka Maraykanka.









______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment