Ciidamada nabadsugidda oo baro kontrol ka sameystay wadooyin soo gala caasimadda: SAWIRRO

Bulsha:- Hay`adda nabadsugidda qaranka ayaa baro kontrol ka sameysatay wadooyinka laga soo galo caasimadda kuwaas oo ku kala yaal degmooyinka Kaxda, Yaaqshiid iyo Wadajir.


Afhayeenka wasaaradda amniga gudaha Maxamed Yuusuf Cusmaan oo warbaahinta kula hadlay mid ka mid ah waddooyinka ay ciidamada ka sameysteen baraha konrtol ayaa saxaafadda uga warbixiyay ujeedka barahan.

“Waddooyinkan aad u jeedaan ciidamadu waxa ay ka sameysteen bao kontarol, oo u jeedkoodu yahay in la ogaado gaadiidka waddooyinka waaweyn ka soo dhuumanaya iyo sababta keentay in ay u soo gooyaan koontaroolada magaalada laga soo galo ee raba inay si sharci darro ah u hareer maraan waddooyinka ay ciidanku ku suganyihiin, ciidankuna habeen iyo maalin waxa ay diyaar u yihiin xaqiijinta amniga” ayuu yiir afhayeenka.

Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa xusay in gaadiidka falalka qaraxda ah ka geysanaya Muqdisho ay soo hareer maraan baraha koontarool ee ay ciidamadu ku suganyihiin, isagoo intaa ku daray in baraha cusub ee ay ciidamadu ka sameysteen waddooyinka ay yihiin kuwa looga hortagayo in argagixisada Shabaab ay si dhuumaaleysi ah ku soo galaan magaalada Muqdisho.













_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment