Bulsha:- Shir uu Saxaafada u qabtay Axmed Madoobe ayuu ku sheegay in Jubbaland Maanta lagu xamanayo in ay tahay meel dadka lagu Cuno ama lagu qasho,balse ay sidaas ka duwan tahay,waxaan go’aansanayay in aan manta dhisano Wax dadku wada leeyihiin.
Hadalka Axmed Madoobe ayaa ah sida Muuqata Mid dardaaran ah oo uu shacabka Jubbaland u jeediyey,Wuxuuna Axmed Madoobe iska Bariyeelay in ayna jirin dhaqaalo dadku leeyihiin oo uu lunsaday,isagoo maamulkiisa usheegay in ay iska daayaan ama ay joojiyaan lunsashada hantida Jubbaland.
waxayna arintan ka danbaysa cadaadis aan ka dareenay bulshda Jubbaland oo salka ku haysa in Bulshadau ay dhinaca u liicaday,taas oo ah in Wasaaradihii aan dhisanay iyo Mas’uuliyiinta Maamulka Jubbaland lagu xanto qabiil iyo in shaqooyinka ay siiyaan dad gaar aha.
Axmed Madoobe oo Banaanka Soo dhigay dareenkiisa ku aadan in,wixii laga rabay ay meesha ka baxeen ayaa sheegay in manta ay u baahanyihiin shaqalo iyo dad daacada u aha shaqooyinka wuxuu ka yidhi Shirkan.
“Waxaan dhisnay gudiyadii shaqayn lahaa Waxaan doonaynaan in shaqooyin badan la qabto,Waxaan aaminsanhay in dhaqaalo aan waxba lagu meel marin Karin,ee mabaadii wax lagu meel marin karo.Waa in aan ogaan in dhaqaaluhu uuna waxba sheegaynin ee aan daacadnimo la nimaadno”ayuu yidhi Axmed Madoobe.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment