Dowlada Denmark oo soo masaafurineysa Dhalinyaro Soomaaliyeed Kadib Markii,,

Bulsha:- Dowladda Dalka Denmark ayaa Xabsiga  dhigtay Dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku Nool dalkeeda,kuwaas oo la sheegay in ay ku dhaw yihiin ilaa 100 Ruux.

Denmark ayaa sheegtay in Dhalinyaradaan Soomaalida ah ee ay xabsiga dhigtay in Dalka Soomaaliya si qasab ah dib loogu soo cilinayo.

Yuusuf Cumar oo kamid ah Dhalinyarada ku xiran Xabsiyada Denmark oo la hadlay Radio Kulmiye ayaa sheegay in Dowladda Denmark ay u sheegtay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay Heshiis la gaartay ,kaas oo ku aadan in Dhalinyaradaasi Soomaaliya dib loogu soo celinayo.

Mas’uuliyiinta Dolwadda Soomaaliya ayuu ka dalbaday in Arrintaasi wax laga qabto si aan Qasab loogu soo celin Soomaaliya,maadaama ay yihiin dad qaxooti ah oo aan lagu Xadgudbin Sharciga Qaxootiga.

Horay Dowladda Denmark waxaa ay si qasab ah Wadankeeda uga soo masaafurisay 4 Wiil oo dhalinyaro Soomaaliyeed ah.kuwaas oo Muqdisho la keenay.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment