DAAWO: Nabad Sugidda oo Fariisimo ka Suubsaday Wadooyinka Soo gala Muqdisho (VIDEO)

Bulsha:- Ciidamada Hay’adda Nabad Suggida Qaranka, ayaa waxay maanta fariisimo cusub ka suubsadeen wadooyin soo gala Caasimadda Muqdisho, iyadoo ay tanina qayb ka tahay xoojinta ammaanka Magaalada Muqdisho.

Qorshaha ka dambeeya in Nabad Suggidu fariisimo ka sameysato wadooyinka soo gala Caasimadda, ayaa waxaa lagu sheegay, sidii looga hortaggi lahaa gawaarida aan doonayn inay adeegsadaan wadooyinka ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda.



Afhayeenka Wasaaradda Amniga Qaranka, Maxamed Yuusuf Cismaan oo la hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay in laga hortagaayo gawaarida aan sida tooska ah u adeegsan wadooyinka ay Ciidamadu ka hawlgalaan.



Ciidamada Nabad Suggida, ayaa fariisimahan cusub waxay ka sameysteen wadooyin soo gala Degmooyinka Kaxda, Dayniile iyo Yaaqshiid. Wadooyinkaasi waxay ka duwan yihiin labada kontorool ee sida caadiga ah looga soo galo Magaalada Muqdisho.


Afhayeenka, ayaa tilmaamay in gaadiidka falalka ismiidaaminta looga gaysto Magaalada Muqdisho, ay soo baalmaraan kontoroolada caadiga ah ee laga soo galo Caasimadda, sidaasi daraadeedna fariisimahan cusub looga hortagaayo gawaarida sida walxaha qaraxa.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment