Bulsha:- Wasiirka Gaashaandhiga ee Xukuumadda Somalia C/qaadir Sheekh Cali Diini, oo ku sugan Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa fariin u diray Ururka Ahlu Sunna ee ku sugan Degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb ee Gobolkaasi.
Wasiir Diini, ayaa Ahlu Sunna kaga digay inay sameyso wax waliba oo sababi kara inuu daato dhiig qof Somaliyed, islamarkaana keeni kara isticmaalka awood dhiig lagu daadinaayo.
C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa sheegay in Ahlu Sunna iyo Dowladda Somalia ay horay u wada hadleen, wixii tabasho ah ee jirana Dowladda Somalia ay diyaar u tahay inay xaliso sida ay horay Dowladda u sheegtay.
“Waxaan ku guubaabinayaa raggaasi culimada ah ee aan horay u wada hadalnay inaysan xadgudbin oo ah in la iska ilaaliyo in dad Soomaaliyeed dhiigooda la daadiyo iyadoo la rabo in la muujiyo awood, yaan lagu deg deign xukun maroorsi iyo anigaa sidaan yeelayaa, talaabooyinka la qaadaayo waxaa wanaagsan in aad looga fiirsado.” Ayuu yiri Wasiir Diini oo ka hadlaayay kulan ka dhacay Magaalada Caabudwaaq.
Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Somalia ayaa daaha ka rogay muhiimada inay tahay wada noolaanshaha dadka ku nool Gobolada Dhexe, iyadoo Dowladda Somalia ay garab taagan tahay dadkaasi.
Ururka Ahlu Sunna Waljameeca ee Gobolada Dhexe ayaa Dowladda Somalia waxa ay ku eedeeyeen fulin la’aanta heshiiyadii horay ay u wada galeen Ahlu Sunna iyo Dowladda Somalia, waxaana Ahlu Sunna ay ku dhawaaqeen Maamul uu Madaxweyne ka yahay Sheekh Axmed Shaakir.
Gobolada Dhexe waxaa ka jira Maamulka Galmudug, Ahlu Sunna si adag ayeey kaga soo horjeeda Maamulkaasi, lama oga waxa ay ku qanci doonaan Ahlu Sunna.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment