Ururka Al Shabaab oo Sheegtay Weerar Maanta lagu Qaaday Hoteel Jazeera (Jazeera Hotel)

Bulsha:- Weerarkii maanta lagu qaaday Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka hadlay Afhayeenka Guud Ee Ururka Al Shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere), wuxuuna sheegay in Ururka Al Shabaab uu ka dambeeyay weerarkii galabta lagu qaaday Hoteel-ka Jazeera oo kuyaala agagaarka Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Gaari iska rogge ahaa oo lagu fuliyay weerarka, ayaa xoog ku galay albaabka hore ee Hotelka, waxaana u suurta gashay in uu isku qarxiyo ilinka hore ee Hotelka. Waxa uuna qaraxaasi gaystay khasaaro dhimasho, dhaawac iyo burbur maaliyadeedba.


Sababta ay u beegsadeen Hotelka, ayuu Cali Maxamuud Raage ku sheegay inay degan yihiin Hotelkaasi xubno Dowladda ka tirsan iyo Saraakiil Caddaan ah oo uu sheegay inay maalgeliyeen weeraradii ugu dambeeyay ee Shabaabka looga qabsaday deegaano ka tirsan Koonfurta Somaliya.

Cali Dheere waxa kaloo uu sheegay in Hotelkaasi uu hoy u ahaa dhinacyada dagaalka adag kula jira Ururka Al Shabaab, taasina ay ka dambeysay weerarka dhiigga badani uu ku daatay, ee ay ku qaadeen.









_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment