Bulsha:- Wararkii ugu danbeeyay oo aan ka heleyn dhanka Hotelka Jazeera oo galabta ka dhacay qarax ismiidaamin ah ayaa waxa ay sheegayaan in qasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ay badan tahay.
Dhimashada ayaa lasoo sheegayaa in ay ka badan tahay 15 ruux waxaana la sheegay in dadka dhintay uu ka mid yahay Wariye Gobolada uga shaqeenayay Universal TV Maxamed Cabdi Kariin,sidoo kale waxaa uu dhaawac soo gaaray Wariye lagu magacaabop Salmaan Saciid oo ka tirsan Universal TV.
Dhanka kale Wariyayaasha ayaa waxa ay sheegeen in Hotelka ay bka buuxaan meedad badan oo laamayeeri qaarkood la saaray illaa iyo haddana lama garan.
Afhayeenka laamaha Ammaanka Max’ed Yusuf oo goobta tagay ayaa waxa uu sheegay in afar qof oo dhimasho ah ay hayeen,sidoo kale dhaawaca ayuu cadeeyay in intaasi uu ka badan yahay.
Hotelka ayaa waxaa deganaa Safaaradaha Shiinaha, Masar iyo Qatar, iyadoo ilaa iyo iminka la ogeyn qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxa.
Wali lama soo cadeyn xubno ka tirsan DF Somalia oo iyagana wax ku noqday weerarkan Ismiidaaminta ah ee lagu soo qaaday Hotelka Jaziira.
Qaraxa waxaa lagu geystay baabuur UD ama Candha-Meedle oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment