Wariye Maxamed Cabdikariin oo kamid noqday dadkii ku dhintay qaraxii Muqdisho

Bulsha:-  INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN llahaa u naxariistee dadkii maanta ku geeriyooday Hoteelka Jaziira ee magaalada Muqdisho waxaa kamid ahaa Wariye Maxamed Cabdi Kariin oo kamid ahaa Wariyaasha ka howlgala gobbolka Gedo isla markaasna kamid ahaa Wariyaasha Madaxabanan ee Ururka Saxafiyiinta Jubbaland ee JIJA.

Wariye Maxamed Cabdi Kariin ayaa maalmihii ugu dambeeyay howlo shaqo u joogay magaalada Muqdisho isagoo markii hore ka yimid Degmada Doolow ee gobbolka Gedo. galabta ayuu la kulmay qarixii ismiidaaminta ahaa ee ay geysteen kooxda Al shabaab.

Wariye Maxamed Cabdi Kariin ayaa gobbolka Gedo uga so wari jiray TV- Universal, waxaana uu la soo shaqeeyay xarumo kale oo warbaahineed oo dalka iyo dibadda ah.

Wariye Maxamed Cabdi Kariin Allahaa u naxariistee, waxaa uu ahaa nin aad u wanaagsan oo jacel inuu dadkiisa iyo dalkiisa hormariyo, bishii Febuary ee sanadkaan waxaa isaga iyo Maxamed Qani Kuusoow ay si weyn iigu soo dhaweeyeen garoonka diyaaradaha Doolow.

Sidoo kale qaraxa waxaa uu dhaawac fudud kasoo gaaray Salmaan Jamaal Saciid oo isna ka tirsan Tv-ga Universal.

Maxamed waxaa dishay gacan ka xaqdaran, waxaan alle uga baryayaa inuu janadiisa Fardowso ka waraabiyo.

Dhammaan maamulka iyo shaqaalaha Saadaal waxay tacsi ka dirayaan geeridaasi naxdinta badan ee ku timid walaalkeenna saaxiibkeen Maxamed Cabdikariin Macalin.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment