Sawirada:MD Xassan oo xariga ka jaray saldhigga 43aad ee ciidanka xoogga ee Kismaayo

Bulsha:- Madaxweynaha Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan sheikh Maxamuud iyo  Axmed Maxamed Islaam ayaa manta si wada jir ah u furay xerada tababarka ciidamada xooga dalka ee 43 qaybta Jubbooyinka.

Munaasabada ayaa waxaa goob jog ka ahaa xubno kasocday beesha Caalamka sida EU IGAD iyo AMISOM  waxaana Madaxdu ay goob fagaaro ah oo ku taala xerada 43 ay kula hadleen Boqolaal Askari oo katirsan Ciidamada xooga qaybta Jubbooyinka.

Bilawgii munaasabada ayaa waxaa halkaas lagu dhaariyay dufcadii ugu horaysay ee tababarka ku qadata Xerada 43 waxaana halkaas hadalo u badan dhiiri galin kasoo jeediyay masuuliyiin kala duwan iyo xubnaha beesha caalamka kasocday.

Wasiirka gaashaandhigga Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in ujeedka uu yahay difaacidda Somalia iyo nabadgalyada wadanka.

Wasiiru-Dowlaha Wasaarada gaashandhiga oo madasha ka hadlay ayaa maamulka Jubbaku amaanay doorka ay ka qateen in xeradan la furo waxaana uu carabka ku adkeeyay in hoggaamiyaha maamulka KMG Jubba, la’aantii aysan waxba u qabsoomen isagoo bidhaamiyay in Madaxweynahu uu kala saaray Arimaha siyaasada iyo Ciidamada isla markana aysan waxba u dhimin arinta siyaasada ee Dowlada Federaalka iyo Jubba ka dhex tolatay dhawaan taas oo uu sheegay in mahadeeda uu leyahay Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Mudane: Axmed Maxamed Islaam.

Axmed Madoobe ayaa dhankiisa bogaadiyay hawsha la xiriirta isku dhafka ciidamada xooga oo uu sheegay in markii hore aysan soo dhaafi jirin Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Dowlada Federaalka ah oo goobta ka hadlay ayaa dhankiisa bogaadiyay hawsha culus ee ay gudiga isku dhafku ka sameeyen magaalada Kismaayo.
















_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment