Wasiir Ku. Xigeenka Maamilyada Somalia oo booqday Kull. Booliska Carmo

Bulsha:-  Maxamud Xayir Ibraahim , oo ah Wasiir ku Xigeenka Maaliyadda Xukuumadda Somalia, iyo Gudoomiyaha Degmada Carmo ee Gobolka Bari, Maxamed Cali Shire ayaa Booqday Kuliyadda Tababarka Ciidanka Booliska, Isbitaalka Guud ee degmada iyo Gooba kale oo Muhiim ah.

Booqashada kaddib ayuu wasiirku wuxuu sarakiisha xerada ka dhegaystay Warbixin iyo Cabashooyin ay qabeen oo ay ka codsadeen Wasiirku inuu ka gaaarsiyo hayadaha ay khusayso waana uu ka aqbalay.

“Kuliyadda Carmo waa mid muhiim u ah Dowladda FS ah waana Goobaha ay ku faanto. Sida ku cad Heshiisyadii ay wada-galeen Dowlada Somalia iyo maamulka Puntland, isagoo ku xusan in kulliyada Tababarka ciidanka booliska ee Carmo dib loo howl-galiyo, waxaana maanta ka howlgala Muqdisho iyo Qaar ka mid ah Gobollada dalka saraakiishii tababarrada ku qaatay halkan,” ayuu yiri Xayir.


Sidoo kale, Wasiirka ayaa booqday Isbitaalka Casri ah oo dhawaan Carmo laga hirgeliyay, Wuxuuna Warbixinno ka dhagaysatay Agaasimaha Isbitaalka Dr. Yusuf Faroole, Isagoo booqday qaybaha uu ka kooban yahay isbitaalka, waxaana isbitaalka dhismihiisa iska kaashaday Jaaliyadda ka soo jeeda gobolka iyo dadka degmada Carmo.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa wuxuu la kulmay qayba ka mida ah dhalinyaradda degmada Carmo waxayna iska Xog-waraysteen Xaaladda Dalku marayo iyo Arigtida Guud ee wasiirka. Si kastaba ha ahaatee wasiirka ayaa maalmahan sii joogi doona deegamada Puntland isagoona booqasho ku tagaya Degmada Boosaaso oo ay ka socoto qaban qaabo lagu soo dhaweynayo.






_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment