Wararkii ugu dambeeyay howlgalada milatari ee Bay & Gedo ka soconaya.

Bulsha:- Hawlgallo Milatari ayaa ka socda maalintii labaad Gobollada Bay iyo Gedo, iyadoo iska horimaadyo laga soo sheegayo inay ka dhaceen degaanka Iidaale halkaasi oo la sheegay inuu qarax ka dhacay.

Dhinaca kalena ciidamada dawladda oo taageero ka helaya kuwa Itoobiya ayaa kusii siqaya magaalada Baardheere oo ay haatan u jiraan ilaa 65 KM.


Dhinaca kale Dagaal xoogan iyo qarax ismiidaamin ah ayaa ka dhacay duleedka deegaanka Manaas ee Gobolka Baay, kadib markii kolonyo Ciidamada AMISOM oo ka soo baxay Baydhabo kuna sii jeeda Diinsoor wadada loo galay.



Sida ay sheegayaan wararka Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay in dagaalo ku qabsadeen wadada isku xirta Baydhabo iyo Diinsoor, iyadoo qarax weyn laga maqlay wadadaas.

Al-Shabaab ayaa sheegatay in gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo uu kaxeynayay ruux naftii hure ah uu la beegsaday kolonyada Ciidamada Itoobiya la socdeen, iyagoo intaa ku daray in khasaare xoogan ay gaarsiiyeen, gaadiid fara badan ku gubeen.

Ciidamada huwanta ayaa shalay la wareegay degmada Ufurow ee Gobolka Baay, waxaana ay qorshayaan inay u sii gudbaan degmada Diinsoor oo ay ku xoogan yihiin Al-Shabaab.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment