Dowlada Kenya oo u caga jugleysay culimo Soomaali ah

Bulsha:- Wasaarada arrimaha Amniga ee Dowlada Kenya ayaa u caga jugleysay Culimada Soomaalida ee kasoo jeeda deegaanka Wajeer ee gobolka waqooyi barri ee Kenya kadib markii deegaankaasi uu saldhig u noqday Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Kulamo dhexmaray Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaarada iyo Culimada Deegaankaasi ayaa waxaa lagu gorfeeyay duulaanka iyo weerarada ay Al-shabaab ka geystaan Deegaanada Waqooyi Barrie e dalka Kenya waxa uuna kulankaasi ahaa mid salka ku hayo xaqiijinta amaanka.

Mas’uuliyiinta ka soctay Wasaarada ayaa Culimada iyo xubno ka tirsan Maamulka ku eedeysay inay xiriir dhow la leeyihiin Al-shabaab, bacdamaa aysan ka qeybqaadan kulamada lagu xaqiijinaayo amaanka, waxa ayna Mas’uuliyiintaasi inta uu kulanka socday dhistay guddi ka hortaga weerarada Maleeshiyaadka Al-shabaab ay ka fuliyaan degmada wajir.

Sidoo kale guddiga la dhisay ayaa ka shaqeen doona in dhalin yarada reer wajeer aysan ku biirin Maleeshiyaadka Al-shabaab, waxaana jiro warar sheegaya in hadii la helo dhalinyaro danbe oo kasoo jeeda deegaankaasi ku biira Al-shabaab ay u xirmi doonaan guddiga iminka la dhisay.

Axmed Cabdullahi oo ah Gudoomiyaha Wajeer ayaa dhalinyarada deegaankaasi ugu baaqay inay ka fogaadan ku biiritaanka Maleeshiyaadka, waxa uu isna ku goodiyay inay qaadi doonaan talaabooyin xanuunjin doono shaqsiyaadka abaabulka u qaabilsan Maleeshiyada.

Dhalinyarada waxa uu ugu baaqay in bedelka ay ku biiri lahaayen Al-shabaab ay kala shaqeeyaan soona wargaliyaan guddiga la dhisay si qatarta jirta looga bad-baado ama loo yareeyo.

Dhanka kale, Sheikh Maxamuud Rashiid oo ah Imaamka Masjidul jaamac oo ku yaala Wajeer kana mid ahaa Mas’uuliyiinta kulanka xaadirtay ayaa gudoomiyaha gudigaan loo magacaabay, waxaana lagu wargaliyay in howshiisu tahay la dagaalanka Al-shabaab iyo ka badbaadinta dhalinyarada ku biireyso.

Waxa uu yiri ‘’Maleeshiyaadka waxa ay dhalinyarada ku sameeyaan in ay rogaan maskaxdooda , dhalin yaradaas oo aan laheyn cilmi sidaa u sii buuran’’
Al-shabab ayaa marar badan sheegtay Mas’uuliyada weeraro dhiig badani uu ku daatay kaasi oo Al-shabaab ay ka fuliyeen deegaanka Wajeer ee dalka Kenya.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment