RW/CC oo ka carreysiiyey Puntland kadib markii uu mowqif aan la fileyn ka qaatay arrinta Mudug

Bulsha:-  Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali, ayaa markii ugu horeysay runta u sheegay shacabka iyo madaxda maamulka Puntland, kadib markii uu sheegay in murunka Galmudug iyo Puntland uu yahay gobolka Mudug.

Wuxuu sheegay in maamul walbaa uu sheegtay inuu leeyahay gobolka Mudug, taasi oo keentay qaladka iyo murunka iminka ka dhex taagan maamulada Puntland iyo Galmudug, sida uu sheegay.

Wuxuu sidoo kale cadeeyay in maamulka Puntland dhankooda ku qaldan yihiin iney dastuurka ku qortaan lahaanshaha gobolka Mudug oo dhan, maadaama gobolka Mudug aysan gacanta ku wada heynin.


Sidaasi si lamid ah ayuu sheegay in maamulka Galmudug dastuurkooda ku qoreen lahaanshaha dhulka Mudug oo idil, taasina ay keentay isfahamwaa maadaama maamul walbaa dastuurkiisa ku qoray lahaanshaha gobolka Mudug.

Cumar C/rashiid ayaa sheegay in xal ay ka keeni doonaan arintaasi ayna gudi u xilsaari doonaan, ama gobolka Mudug look ala bixin doono, Mudugta Koofureed iyo Mudugta Waqooyi.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment