Bulsha:- Dadweynihii ku noolaa Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay oo ay maamulaysay Xarakada Al-shabaab ayaa si aad ah uga Barakacay Degmadaas, iyadoo dagaallo culus ay ka socdaan qaybo ka mid ah Gobolka Bay.
Wararka laga helayo Degmada Diinsoor oo Qiyaastii 125-km u jirta degmada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay ayaa sheegaya in 99% shacabkii ku noolaa ay ka barakaceen, kuwaas oo gaaray degmooyin ka tirsan Gobolka Bay oo ay ka mid tahay Degmada Baydhabo.
“Diinsoor si aad ayay Dadku uga Barakaceen, Ganacsiga oo Dhanna waa la Xiray, Waxaa keliya oo magaalada ku sugan shaqaalaha shirkadaha isgaarsiinta iyo dad yar oo fara-ku-tiris ah,” ayuu yiri ruux goobjooge ah oo ku sugan degmadaas oo sababo Amni uga Gaab-saday inuu magaciisa sheego.
Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in Xoogagga Al-shabaab ay Degmadaas weli ku sugan, kuwaasoo wada dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay ugu Diyaargaroobayaan in ay magaalada ku difaacdaan.
Ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ee ka Socda Dalka Itoobiya ayaa ku wajahan magaaladaas oo Sannadihii lasoo dhaafay ahayd Saldhigga ugu Weyn ee ay Al-shabaab ku leedahay gobolka Bay, kaddib markii lagala wareegay inta badan degmooyinka Gobolka Bay.
Dhanka kale, dagaallo culus oo u dhexeeya Ciidanka Dowladda Somalia oo Garabsanaya kuwa AMISOM iyo xoogagga Al-shabaab ayaa ka socda qaybo ka mid ah Gobolka Bay, iyadoo maanta ay dagaallo culus ka dhaceen deegaanno ku dhow Diisnoor. iyadoo wararku ay intaas ku darayaan in Ciidamada Huwanta ah ay la wareegeen deegaanka Raama-cadey oo Qiyaastii 40-km u jirta Degmada Diinsoor.
Illaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaallada culus ee ka socda Gobolka Bay ee u dhexeeya Ciidamada Dowladda Somalia oo Garabsanaya kuwa AMISOM iyo Xoogagga Al-shabaab, labada dhinac ee dagaalku u dhexeeyanaha weli kama aysan hadlin khasaaraha ka dhashay dagaalladan oo weli socda.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom

Blogger Comment
Facebook Comment