DEG DEG: Idaacadii Al-Shabaab ee Baardheere oo hawada laga saaray

Bulsha:-  Wararka ka imaanaya Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaalyahanada Al-Shabaab ee Degmadaasi maamula ay hawada ka saareen ayna halkaasi ka rarteen Idaacadii afkooda ku hadli jirtay .

Dadka ku dhaqan Degmada Baardheere ayaa ku waramay in Al-Shabaab ay hawada ka saareen Idaacadii afkooda ku hadli jiray, waxa ayna intaa raaciyeen in la arkayay qalabka Idaacadaasi oo gaadiid looga qaadayo Degmada Baardheere.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa xabsiyo ay ku lahaayeen Degmada Baardheere waxa ay kasii daayeen maxaabiis u xirneed kuwaa oo galay dambiyo yar yar, waxaana Maxaabiistaasi iska fasaxay maamulka Al-Shabaab ee Degmada Baardheere.

Waxa ay sidoo kale dagaalyahanada Al-Shabaab gaadiid ku qaateen tiro maxaabiis ah oo lagu eedeeyay in ay galeen dambiyo culus, lamana oga maxaabiistaasi halka ay la aadeen Al-Shabaab iyo sida ay ka yeelayaan.

Shacabkii ku dhaqnaa Degmada Baadheere ayaa intooda badan naftooda la baxsaday isaga qaxay Degmadaasi, waxaana hada Baardheere kusugan dad aad u yar, kuwaa oo ilaashanaya hantidooda iyo guryahooda .

Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo wada jira ayaa kusii dhawaanaya Degmada Baardheere, waxaana laga cabsi qabaa in magaladaasi uu ka dhaco dagaal dhax mara Ciidamada Huwanta iyo Dagaalyahanada Al-Shabaab ee doonaya in ay difaacdaan Degmadaasi.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment