Bulsha:- Dhaq dhaqaaqyo ciidan ayaa ka jira Gobollada Bay iyo Gedo, halkaasoo ciidamada huwanta ay ka wadaan qorshayaal milateri ay ku doonayaan inay kula wareegaan deegaano ka tirsan gobolladaas oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.
Ciidamada huwanta ayaa shalay si nabad kula wareegay degmada Ufurow ee gobolka Bay, markii Al-Shabaab isaga baxday, waxaana ciidamada oo wata gaadiidka dabaabaadka la sheegay inay ku sii siqayaan degmada Diinsoor.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in dhinaca gobolka Gedo uu isna dhaq dhaqaaq xoog leh uu ka socdo, kadib markii ciidamada AMISOM ee Itoobiya ka socda iyo kuwa dowladda ay gaareen deegaano u dhow dhow Baardheere.
Ciidamada is garabsanaya ayaa doonaya inay degmooyinka Diinsoor iyo Baardheere oo ay ku xoogan yihiin Al-Shabaab kala wareegaan.
Xaalada degmada Baardheere ayaa kacsan, waxaana saaka xiran dhamaan dhaq dhaqaaqyadii ganacsi, waxbarashada iyo isu socodka, waxaana ka socda barakac ay sameynayaan dadka deegaanka.
Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay in dhowr jiho ay kaga socdaan degmada Baardheere, isla markaana saacadaha soo socda ay la wareegi doonaan.
Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa buuxiyay duleedyada Baardheere oo ay difaacyo ka sameysteen, waxaana dadka deegaanka ee ka barakacaya la sheegay inay ka cabsi qabaan in lagu dul dagaalamo.
Dhaq dhaqaaqyadan milateri ee ka jira Gobollada Bay iyo Gedo ayaa ka dambeeyay, markii todobaad ka hor illaa saddex kun askari oo Itoobiyaan ah ka soo gudbeen xuduuda, kuwaasoo la sheegay inay ku wajahan yihiin deegaanada Shabaab kaga sugan yihiin Gobolladaas.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment