Daawo:- M/weynaha oo shacabka kula damaashaaday Xeebta Liido

Bulsha:-  M/weynaha DF Mudane Xasan Shiikh Maxamuud iyo qaar ka tirsan wasiirada Xukuumada Federaalka, ayaa maanta tegay Xeebta Liido ee Degmada C/casiis, halkaasoo ay kula damaashaadeen shacabka Muqdisho.

M/weynaha ayaa tagay dhowr meelood oo Muqdisho ku yaalla si uu darenkiisa u tuso shacabka ku nool caasimada oo ku jira dabal-degga maalmaha ciida.

Xasan ma muuqa ciidamo ilaalinayay ammaankiisa,waxaana booqashada ku waheliyay saraakil ciidan iyo xubno ka mid ah golaha wasiirrada ee xukuumadda.


Madaxweynaha ayaa ugu horeyn booqdey xeebta Liido halkaas oo uu ku gacan qaadey qaar ka mid ah kumanaan qof oo halkaasi ku qaadanayey maalintii labaad Ciidul Fitriga.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal kooban jeediyay ayaa mar kale shacabka ugu hambalyeeyay munaasabadda ciidda, isagoo isla markaana farey inay isku naxariistaan.




















_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment