Xaalada magaalada Baardheere oo saakay Kacsan

Bulsha:-  Wararka naga soo gaaraya magaalada Baardheere ee G/gedo ayaa sheegaya in saakay magaalada Jawigeeda uu yahay mid aad u kacsan,waxaana albaabada laysugu laabay dhamaan goobaha Ganacsiga, waxaana sidoo kale hakad ku jira isku socodka Gaadiidka iyo Dadweynaha.

Wararku waxay intaas ku darayaan in ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM iyo kuwa maamulka Jubba ay soo dageen deegaano aan sidaas uga fogeyn magaalada, taasoo cabsi iyo wal wal ku abuurtay dadka deegaanka.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo aan xiriir la sameeynay ayaa inoo xaqiijiyay in ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ay shalay soo gaareen deegaan lagu magacaabo Eesoow, kaasoo qiyaastii 60KM dhanka waqooyi bari kaga beegan magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Sidoo kale, isla shalay dayaarado nooca dagaalka ah ayaa duqeeyay saldhigyo ay xoogagga Al-shabaab ku lahaayeen deegaanka Ceelcilaan oo qiyaastii 40 KM u jira magaalada Baardheere.

Sidoo kale wararku waxay sheegayaan in ciidamadii Al-shabaab ee magaalada Ku sugnaa ay intooda badan isaga huleeleen, iyagoo qabtay dhinaca Degmada Diinsoor.


_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment