Uganda oo Diyaarado dagaal usoo daabuleysa Soomaaliya

Bulsha:- Doowlada Uganda oo ay ciidamo ka joogaan Soomaaliya, ayaa go’aansatay ineey Diyaarado Dagaal usoo dirto Soomaaliya, si ay qeyb kaga noqdaan dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

Maj. Kiconco Tabaro, oo u hadlayay ciidamada Cirka Uganda wareysina siiyay wakaalada wararka Chine ee Xinhua, ayaa sheegay in dhawaan ay Diyaarado dagaal u diri Doonaan Soomaaliya, gaar ahaan nuuca qumaatiga u kaca ee Helicopters-ka, kuwaasoo ka qeyb qaadan doona howlgalo la doonayo In Al-shabaab looga saaro deegaano farabadan.

“Sidaan wada ognahay Ciidamadeena ma wada gaari karaan qeybo badan oo Soomaaliya kamid ah, Dhaqdhaqaaqeena ciidan iyo xiriirkeenana ma wada saameyn karo dhamaan deegaanada Soomaaliya, sidaas darteed waa lagama maarmaan inaan adeegsano Diyaarado dagaal” ayuu yiri Mj. Kicono Tabaro.

Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM ayaa ah kuwa kaliya ee Diyaarado dagaal u adeegsada dagaalka Al-shabaab, kuwaasoo inta badan bartilmaameedsada dadka shacabka ah iyo Xoolaha.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment