XOG: Faroolihii Puntland Oo Galabta Ka Soo Dagaya Hargeisa, Iyadoona…………..

Bulsha:- Madaxweynihii hore ee Puntland Mr. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa la filayaa inuu safar ku yimaado magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Si rasmi ah looma oga ujeedada socdaalkiisa , laakiin ilo xogogaala ayaa K24u sheegay in Madaxweynihii hore ee Puntland la filayo inuu maanta soo gaadho magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Ilahani waxay intaas ku dareen in socdaalka Madaxweynihii hore ee Puntland uu yahay mid shakhsiyeed oo aan la xidhiidhin arrimo siyaasadeed.

Wararku waxay sheegayaan in Mr. Faroole uu wakhti kooban ku sugnaan doono magaalada Hargeysa.


Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole, ayaa waxa u dhaxday haweenay reer Somaliland ah Marxuumad Aamina Abiib oo Alle haw naxariiste sannadkii hore geeriyooday, waxaana la filayaa in arrimaha uu u socdaa ay la xidhiidhaan arrimo qoys. Dawladda Somnaliland ayaa la sheegay inay ka war hayso socdaalka shakhsiyeed ee uu Madaxweynihii hore ee Puntland ku imanayo Somaliland.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment