SAWIRO:- Wiilkii C/qaasim Salaad Xasan oo laga been sheegtay & Ururka SATO oo ka hadlay

Bulsha:- Ururka la dagaalanka Qabyaalada ee SATO ayaa Xarunta uu ku leeyahay Magalaada Muqdisho waxa laga soo saaray qoraal lagu beeninaayo Eedeymo iyo dhaliil aan sal iyo raad lahayn oo lo jeediyay wiil uu dhalay Madaxweynihii hore ee Dalka Soomaaliya C/qaasim Salaad Xasan oo dhanka dhaqaalaha ka taageero Ururkaasi SATO.

Gudoomiyaha Ururka la dagaalanka Qabyaalada ee SATO Caasho C/llaahi Ciise oo Maanta Warbaahinta Shir Jaraa’id ugu qabatay Xafiiskeeda ayaa si kulul ugu hadashay Arrimihaasi oo dhan.

Gudooomiaya ayaa waxay sidoo kale sheegtay in aysan aqbali doonin in la carqaladeeyo ama la hor istaago howsha Urur uu u hayo Bulshada Soomaaliyeed, isla markaana aysan jirin Eedeymaha lo jeediyay Masuulkaasi dhanka dhaqaalaha ka taageero Ururka SATO.

Waxay xusatay in ay been abuur yihiin hadaladaasi lagu qoray Wepsite-yada Afka Soomaaliga lagu qoron, waxayna intaasi ku dartay in aysan diyaar u ahayn in ay dhageystaan hadaladaasi been abuurka ah.

Gudoomiyaha Ururka la dagaalanka Qabyaalada ee SATO Caasho C/llaahi Ciise ayaa ugu dambeyn sheegtay in aysan jirin cid ku hadli karto Magaca Ururka SATO isla markaana ay talaabo sharci ah ka qaadayaan Shaqsiyaadka sida qaldan u isticmaala Magaca ururka SATO.


Dhanka kale waxa Shirka Jaraa’id goob joog ka ahaa Xildhibaanad Zeynab Caamir oo ka mid ah Xildhibaanada Barlamaanka Soomaaliya, waxayna xustay in ay aad usoo dhaweyneyso howlaha iyo shaqada Ururka SATO uu u hayo Bulshada Soomaaliyeed.

Xildhibaanada Zeynab Caamir aya sidoo kale sheegtay in ay Baarlamaanka Soomaaliya la wadaageyso shaqada ay hayaan Ururka SATO







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment