Bulsha:- Ciidan taabacsan Ahlu Sunada Gobolada Dhexe, ayaa maanta la wareegay gacan ku haynta Saldhiga Booliska Degmada Caabudwaaq, ka dib markii ay isaga baxeen Ciidamadii horey u joogay.
Ciidamadii Saldhiga joogay, ayaa isaga baxay Saldhiga, ka dib markii ay abaabul sameeyen dhalinyaro Deegaanka ah, isla-markaana taabacsan Maamulka Magaalada Dhuusamareeb.
Wararka laga helaayo Degmada Caabudwaaq, ayaa sheegaaya in ay jirto xiisad u dhaxeyso labada ciidan, iyadoo garab ka mid ihi uu taabacsan yahay Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulka Galmudug, Maxamed Xaashi Carabey.
Carabey oo maalmahaanba booqasho ku joogay Degmada Caabudwaaq, ayaa waxa uu dib ugu laabtay Degmada Cadaado, halkaasoo xarun ku meel gaar ihi uu ka sameystay Maamulka Galmudug.
Odayaasha Dhaqanka & Waxgaradka Caabudwaaq, ayaa waxay wadaan dadaalo lagu mideynaayo dadka halkaasi ku dhaqan, si hal Maamul ay u taageeran, iyadoo laga fogaanaayo kala qaybsanaanta bulshada.
Ahlu Sunna, ayaa waxay dhul ballaarsi ka wadaa Deegaanada Gobolka Galgaduud, iyadoo si adag kaga soo horjeedo Madaxweynaha 4-tii bishaan looga dhawaaqay Degmada Cadaado.
Xoogaga Ahlu Sunada Gobolada Dhexe, ayaa Axadii Ciidamada Dowladda waxay ka fara maroojiyen Deegaanada Laandheer, Xananbuure, Bangeele iyo Mareergur, waxayna badankoodu kula wareegen bilaa dagaal.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom

Blogger Comment
Facebook Comment