DEG DEG:-Al Shabaab oo Caawa faarujisay Degmo Muhiim ah.

Bulsha:- Wararka ka imaanaya magaalada Diinsoor ee gobolka Bay ayaa sheegaya in caawa halkaas ay ka baxeen AlShabaabkii ugu badnaa.

Dad kusugan Magaaladda ayaa soo sheegaya in fiidka caawa ay ciidamo badan oo Shabaab ah kaga baxeen magaalada banaanka.

Warka ayaa intaas ku daraya in xaalad aad ukacsan ay ka jirto gudaha magaalada, iyadoo laga cabsi qabo dagaal ay magaaladaas kusoo qaadaan ciidamada Amisom iyo DF Soomaaliya.

Ibraahim Maxamed Nuur, gudoomiyaha dowlada Soomaaliya ugu magacaaban degmada Diinsoor ee gobolka Baay ayaa sheegay in degmada Diinsoor ay u jiraan waxka yar 30 km ayna qorsheynayaan iney Alshabaab ka saaraan degmada Diinsoor iyo deegaanada ku xeeran

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Alshabaab muddo ka badan shan sano ay maamulayeen degmada Diinsoor laakin iminka shacabka ku dhaqan degmadaasi ay ka dul qaadi doonaan waxa uu ugu yeeray Gumeysi.

“Hadda 26 Km ayay inoo jirtaa degmada Diinsoor, oo cadowga aan dooneyno inaan ka xureyno, mana jirto iska caabin aan nimanka nabad diidka kala kulannay, waana tageynaa mardhow”ayuu yiri gudoomiyaha Diinsoor ee dowlada.


Ibraahim Shikshigow, ayaa sheegay in ciidamada la doonayo iney qabtaan degmada Diinsoor ay kasoo dhaqaaqeen agaalada Baydhabo ee gobolka Baay, dhawaana ay tagi doonaan magaalada.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ciidamada dowlada Soomaaliya ay kaabiga ku hayaan degmada Baardheere ee gobolka Gedo halkaasi oo la doonayo in Alshabaab laga saaro.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment