Bulsha:- Diyaaradaha dagaalka Itoobiya ee Nooca Helicopterka ayaa duqeeyay Laba gaari oo siday Dad shacab ah oo ku sii jeeday Magaaladda Buurhakaba ee Gobolka Baay.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in Tiradda dhimashada ay gaareyso 10 ruux oo shacab ah.
Duqeyntasi waxa fuliyay Laba Diyaarad oo ay leedahay Dowladda Itoobiya.
Wararka ayaa sheegaya in dadkan oo saarnaa gawaari ay kaga soo barakaceen deegaanka Dalandoole lala eegtay duqeyn diyaaradeed, halka warar kalena ay sheegeen in Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM ay rasaas iyo madaafiic ku garaaceen gaadiidkii ay la socdeen.
Duqeynta ayaa waxaa dadka ku dhintay ku jiray afar caruur ah iyo lix haween, waxaana la sheegayaa inuu jiro khasaare kale oo dhaawac ah oo soo gaaray dadka saarnaa gawaarida la duqeeyay.
Mid ka mid ah ehelada dadka la xasuuqay oo lagu magacaabo Ifraax ayaa u sheegtay warbaahinta Muqdisho in dadka dhamaantood ay ka soo barakaceen colaada, iyadoo intii ay sii jeedeen Buurhakaba la duqeeyay.
Wararka qaar ayaa sheegaya in dad kale oo ka bad baaday gaariga oo howdka ku cararay ay rasaas ku fureen Ciidamada is garabsanaya.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment