Barack Obama oo shir looga hadlayo arimaga ganacsiga ka furay Kenya

Bulsha:- Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama ayaa shir looga hadlayo arimaha ganacsiga ka furamay magaalada Nairobi oo uu ku joogo booqasho qaadan doonta sadax maalmood.

Shirkan oo ka furmay Xarunta Qaramada Midoobe Ee Magaalada Nairobi, ayaa waxaa ka qaybgalay xubno ka kala socday illaa 120 dal, sida uu madasha shirka ka sheegay Madaxweynaha Mareykanka.

“Afrika horay ayay u socotaa, dadka ayaa saboolnimada ka baxaaya, mishaarka ayaa kordhaya, dadka xirfada ku shaqeeya ee mishaarkooda fiican yahay ayaa kordhay.” Ayuu yiri Madaxweynaha Mareykanka.

Madaxweynaha, ayaa tilmaamay in Qaaradda Afrika ay noqon doonto xudunta dhaqaalaha caalamka, hogaankana ay u qaban doonto dhaqaalaha dunida, isagoo ammaanay kororka xoogga leh ee dhaqaalaha Afrika uu samaynaayo.

Barack Obama, ayaa sidoo kale ammaanay is bedelka weyn ee ka curtay dalka Kenya. Waxa uu soo hadalqaaday booqasho uu ku yimid 10 sano ka hor, in sidaan uu ka duwanaa xaalka Kenya, sida uu yiri.


Inkastoo uu qiray horumar ballaaran in Kenya samaysay, ayuu hadana Xukuumadda Nairobi uu kula dardaarmay inay hubiso musuq maasuqa baahsan ee dalkaasi ka jira, sidii lagu soo afjari lahaa.

Madaxweyne Obama, ayaa saacadaha soo socda waxa uu Madaxtooyada Nairobi uu wadahadal kula lee yahay Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment