Bulsha:- C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa), Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federalka Somaliya, ayaa xaqiijiyay in la baari doono dad badan oo maanta ay Ciidanka Amisom ku dileen Magaalada Marka.
Wasiirka waxa uu sheegay Dowladda Somaliya inaysan marnaba raali ka noqon doonin in la dhibaateeyo dadkeeda, isla-markaana aan la aqbali karin tallaabada ceynkaasi oo kala ah.
Wasiirka oo la hadlay idaacadda afka Somaliga ku hadasha ee BBC, ayaa waxa uu tilmaamay baaritaano in lagu samayn doono dadka la soo sheegaayo in maanta lagu dilay Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.
Tani, ayaa ka dambeysay markii shalay galab Ciidamada Amisom booyad looga gubay wadada aadda deegaanka Buufow, oo 3km u jirta Magaalada Marka. Amisom oo taasi jawaab ka bixinaysa, ayaa saakay gudaha u gashay xaafado ka mid ah Marka.
Ciidanka Amisom, ayaa dadkaasi waxay intoodu badan ku dileen xaafadaha Buulo Eelaay iyo Ruuziyo, waxaana dadka ay dileen ku jira dhalinyaro, haween iyo weliba laba nin oo odayaal lagu sheegay.
Sidoo kale dhalinyarada ay dileen Ciidanka Amisom, ayaa waxaa ku jiray laba wiil oo walaalo ahaa, iyadoo tanina noqotay mid ay si weyn u hadalhayan dadka ku dhaqan Magaalada Marka.
Amisom waxaa la tilmaamay inay tooganaysay nin kasta oo doonaayay in uu ka baxsado gacantooda. Hawlgalkaasi waxay Amisom ku soo qab qabatay dad badan oo ka tirsan shacabka deegaanka.
Xasan Cumar Macalin, Gudoomiyaha Magaaladda Marka waxa uu walaac xoogani ka muujiyay tallaabada, ay Ciidamada Amisom ku dileen dadkaasi, oo isugu jiray buu yiri rag iyo haweenba.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom

Blogger Comment
Facebook Comment