Bulsha:- Baadiri u dhashay dalka Koonfur Afrika oo ku amray jameecadiisa in ay cunaan mas nool isagoo aaminsan in uu la dhadhan yahay shukulaatada ayaa lagu sii daayay damaanad.
Waxaa baraha internetka la soo dhigay sawirada baadarigan oo mas nool afka u galinaya mid kamid ah jameecadiisa.
Baadari Penuel Mnguni ayaa shalay la horkeenay maxkamad ku taalla duleedka Pretoria. Waxa uu ku eedaysanyahay in uu si naxariis darro ah ula dhaqmay xayawaan.
Arintan baliiska waxaa ku wargaliyay kuwa u dhaqdhaqaaqo xaquuqda xayawaanada.
Sanadkii la soo dhaafay baadari kale oo dalka Koonfur Afrika ku sugan ayaa jameecadiisa ku amray in ay cunaan cawska shidaalkana ay cabitaan ka dhigtaan.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom

Blogger Comment
Facebook Comment