Daawo Sawirada: Madaxweyne Xasan “Ummad aan garaneyn meesha ay ka timid, taariikhdeedi, hore, waxaa ku adag inay qaabeysato mustaqbalkeeda”

Bulsha:- Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dhagax dhigay xaruntii Akademiyadda Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta oo ku burburtay dagaalladii sokeeye.

Akadeemiyadda Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta ayaa horay u ahayd hoygii qoristii Af Soomaaliga, cilmi baarista dhinaca dhaqanka, hiddaha iyo kaydinta dhaqanka iyo taariikhda Soomaaliya.

Madaxweynaha oo dhagax-dhigga kadib hadal jeediyay ayaa sheegay in dib u soo nooleynta Akademiyadda Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta ay ku fadhido micno taariikhi ah.

‘’ Ummad aan garaneyn meesha ay ka timid, taariikhdeedi, hore, hiddaheedii iyo waxa ay leedahay, waxaa ku adag inay qaabeysato mustaqbalkeeda. Sidaa darted waxaan aad ugu faraxsanahay in dib loo soo nooleeyo akademiyaddii aanu lahayn, diyaarna waxaan u nahay inaan awooddeena oo dhan isugu geyno’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Dib u dhiska iyo dayactirka akademiyadda waxaa dowladda Soomaaliya gacan ku siinaya Midowga Yurub iyo hay’adaha gargaarka ee CISP iyo OXFAM.

Munaasabaddan oo ay ka soo qeybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, ayaa waxaa Madaxweynaha ka hor hadal ka jeedisay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Marwo Khadra Bashiir Cali.









_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment