Daawo: RADIO-MUQDISHO oo baahisay Heestii shalay Loo sameeyay Badda oo Muujinaysa in Kenya Gacan Loola tago

Bulsha:-  Waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa Hees cusub oo maalin ka hor la sameeyey oo lagu magacaabista ” BADDEYDU IIB MA”AHAN” waxay ka hadleysaa xad gudubka kenya ee biyaha Dalkeena “Qarankani Beec ma noqon, Dhulkayguna Boob ma galo, Baddayduna iib ma ahan”.

HALKAN KA DAAWO VIDEO


Sidoo kale Heesta oo ay qaaday Fanaanada Caasho Kiin ayaa waxaa Eraydeeda kamida “Dunada Baaqa aan u dirnay, Hadayna Jawaab ka bixin, Bilaawaha dhiiga iyo Baa’bah iyo waa Colaad” oo ka dhigan hadii ayna Maxkamada Loo gudbiyey dacwadu ka jawaabin in Soomaaliya ay gacan ula tagi doonto Kenya.

Suugaanta ayaa siwayn loogu Xasuustaa Waqtiyadii Soomaaliya Ay  Awooda badan lahayd in Lagu dhiiri Gelin Jiray Shacabka iyo Ciidankaba Sida heesihii ahaaa “Eryaay Eryaay”  “Sooma Jeestaayaashii Guushu Ay Jeclaydow”, iyo kuwa kale oo Somaalida dhexdeexada ka caanbaxay.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment