Bulsha:- Isbahaysiga Mucaaridka maamulka Somaliland ee Wadani, Ucid iyo Siyaasiyiinta Madasha Wada Tashiga ayaa shir ay maanta isugu imaadeen magaalada Hargeisa ku shaaciyay in 23 ka ilaa 26 ka bishan ay qaban doonaan shirweyne qaran oo ay ku tilmaameen inay kaga hadlayaan Mugdi ay sheegeen inuu galay siyaasadii maamulka Somaliland.
Guddoomiyaha xibiga Wadani Cabdiraxmaan maxamed Cabdilahi Ciro, musharaxa madaxweyne xigeenka ee Xisbiga Ucid Cabdirashiid Xasan Mataan iyo Gudoomiyaha siyaasiyiinta Madasha Wadatashiga Xasan Guure Jaamac ayaa ujeedada shirka iyo waxa laga filan karo uga warramay wariyaha VOA ee Hargeisa Cabdixakiim Maxamuud Shirwac.
Dhinaca kale Arintaan waxaa si Maamulka Siilaanyo uga jawaabay inuu Ciidamada heegan geliyo, kuwaasi oo la sheegay inay u diyaar yihin inay ka hortaagan shirka.
HALKAN DAAWO MUUQAAL CIIDANKA HEEGANKA GALAY IYO ROYAL TV
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment