DAAWO:- Diyaaradaha Sirdoonka Mareykanka oo lagu fasaxay Hawada Nairobi

Bulsha:- Waxaa hawada Magaalada Nairobi dul heehaabayo Diyaaradaha Militeriga dalka Mareykanka kuwaasi oo ka qeybqaadanaayo xaqiijinta amaanka Madaxweynaha Mareykanka Barack Hussien Obama oo la filaayo in Habeenimada Jimcaha ah uu ka dego garoonka Diyaaradaha Kenya.

Magaalada Nairobi ayaa waxaa hadda soo gaaray inkabadan 400 oo hordhac u ah Saraakiisha dhinaca Amniga iyo Borotokoolka Obama, halka Sidoo kale amaanka Madaxweynaha ay sugi doonaan in ka badan 10,000 oo ciidamo Maraykan ah oo loogu talagalay inay sugaan ammaanka wafdiga Madaxweyne Obama oo Kenya joogi doona muddo saddex cisho ah.

Sidoo kale, Diyaaradaha Qumaatiga u kaca ee Milliteriga Maraykanka ayaa hawlgallo dhinaca Sirdoonka ka bilaabay Hawada dalka Kenya, waxaana Hawada Nairobi lagu arkayey Diyaaradahaasi oo hadba jiho sahminayo, waxaana u badan Helikoptero iyo 4 noocoodu yahay Boeing V-22 Osprey aircraft.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA










_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment